14 sanno jir ciqaab looga dhigay in laga qaado dhamaan waxyaabahii uu iska lahaa

Qoys ka soo jeeda gobolka Phoenix, Arizona ayaa la yimid hab cusub oo ay ku ciqaabayaan wiilkooda 14-jirka ah kadib markii ay qabteen booliska asaga oo si xawaare ah u kaxeenaya gaariga qoyska:
Wiilka ayaa laga qaaday dhamaan waxyaabihii uu iska lahaa.
Martinez oo ah 14 jir ayaa waalidkiisa waxay xaflad ugu dabaaldegeen Las Vegas horaantii bishaan markii ay booliiska ka heleen wicitaan kusaabsan wiilkooda da ‘da yar.
Wuxuu kaxaystay baabuurka qoyska oo ahaa noca Range Rover oo uu ku carqaladeeyay deriska.
Labada lamaane ayaa lagu qasbay inay istaajiyaan dabaaldega sannad-guuradooda oo ay gurigooda aadaan, laakiin waxay hubsadeen inay Angel u sheegaan sida “ay ugu faraxsanaayeen xafladooda.
Waalidiinta ayaa ugu baaqay inuu soo wareejiyo dhamaan waxyaabaha uu asaga leeyahay si ay ugu noqoto ciqaab.
Kaliya tani maahan markii ugu horreysay ee uu dhibaato galo bilihii la soo dhaafay, sidaa darteed waalidkiis waxay go’aansadeen inuu u baahan yahay in cashar la baro.
Waxey soo qaateen wax kasta oo qolkiisa yaalay, oo ay kujiraan alaabada guriga, TV-ga iyo dharkiisa, waxayna ku sudheen wadada weyn ee guriga hortiisa. Kadibna waxay sameeyeen Angel oo saaran sariika oo leh calaamad ay ku qoran tahay “Waan ka xumahay waxaan xaday gaariga waalidkey oo si xawaare ah u kaxeeyay”.
Maaddaama laga qaatay wax kasta oo qolkiisa yaalay, Angel wuxuu ku seexan doonaa sariirta qolka fadhiga ama dhulka waqtigaan, laakiin ugu yaraan wuxuu sheeganayaa inuu bartay casharkiisa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here