15 ka mid ah ismaamullada dalka oo diyaariyay 300 oo ah sariirada COVID19

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 15 ka mid ah 47-da ismaamullada wadanka ay soo buuxiyeen shardi lagu xiray.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa horay dowlad deegaanada u qabtay ilaa iyo 6-da bishan Toddobaad si ay u diyaariyaan ugu yaraan 300 oo ah sariirada gaarka ah oo loogu talagalay dadka uu soo ritay cudurka COVID19.
Mr. Oparanya ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday kulan uu la yeeshay wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa.
Wamalwa ayaa dhankiisa xusay inay si dhow ula shaqeynayaan ismaamullada si loogu guulaysto la tacaalidda fayraska corona ee saameynta weyn u yeeshay caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here