15 macallin oo cudurka Covid-19 looga helay ismaamulka Mombasa

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in 15 macallin oo wax ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee Star of the Sea iyo dugsiga Sare ee Tononoka oo ku yaalla dowlad deegaankaas laga helay cudurka Covid-19.
Ardayda wax ka barata dugsiyadaasi ayaa guryahooda loo diray.
Wargeyska The Standard ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in afar macallin oo wax ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee Star of the Sea oo uu ku jira maamulaha laga helay cudurka iyo 11 macallin oo wax ka dhiga dugsiga sare ee Tononoka.
Macallimiinta ayaa sheegay inay bilaabeen muujinta astaamaha cudurka ayna go’aansadeen in lagu sameeyo baaritaan gaar ah.
Guddoomiyaha waxbarashada ee ismaamulka Mombasa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in labada iskuul dib loo furi doono laba toddobaad kaddib
Ardayda wax ka barata labada iskuul ayaan wali lagu sameyn baritaan la xiriira cudurka coronavirus.
Waxaa sidoo kale aan wali laga samayn qiimeynta taclineed ee ardayda dhigta fasallada 8-aad iyo 4-aa oo maanta billaabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here