15 qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Afghanistan

Ugu yaraan 8 ka mid ah shaqaalaha dowladda Afghanistan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Kabul.
Falkaasi oo ay sido kale ku dhaawacmeen 27 qof oo dheeraad ah ayaa loo adeegsaday bambo lagu xiray bas ay ku safrayeen howlwadeenada taasi oo ugu dambeyn qaraxday.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee wadankaasi Nasrat Rahimi ayaa sheegay in shaqaalaha dhintay ay ka howlgalayeen wasaaradda macdanta iyo batroolka.
Bambooyinka baabuurta lagu xiro ayaa inta badan khatar ku ah shacabka iyo mas’uuliyiinta magaalada Kabul.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda la xariirta fulinta weerarkaasi.
Weerarkan kaddib ayaa waxaa dhacay mid kale oo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here