15 qof oo lagu dilay Cameroon

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo ka dhacay xeero ay ku jireen dad soo barakacay oo ku talla magaalada Mozogo ee waqooyiga dalka Cameroon.
Sida ay ila amni u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters waxaa falkaas ku dhaawacmay 8 qof oo dheeraad ah.
Weerakan ayaa looga shakisan yahay xooggaga Boko Xaraam.
Duqa magaaladaasi Medjeweh Boukar ayaa sheegay in koox aan haybtooda la garanayn ay bam-gacmeed ku tuureen xero ay ku jireen dad barakacayaal oo u dhow soohdinta dalkaas uu la leeyahay wadanka Nigeria.
Boko Xaraam oo uu fadhigeedu yahay Nigeria ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay weeraro ka wadday dalalka Galbeedka Afrika .
Rabshadaha ay ka geysteen dalal ka mid ah galbeedka Afrika ayaa waxaa ku dhintay 30 kun oo qof muddadaasi iyadoona ay ku barakaceen malaayiin kale.
Bishii lixaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii weerar ay maleeshiyada Boko Xaraam ka gaysatay waqooyiga fog ee Cameroon lagu dilay 24 qof oo ay ka mid ahayeen 16 sarkaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here