15 qof oo Maanta Kenya ugu dhimatay COVI-19

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa dalka laga xaqiijiyay 497 xaaladood oo ah Covid-19, tirada guud ayaa hadda gaartay 27,425 .
Xaaladahan cusub ee maanta dalka laga xaqiijiyay ayaa la helay ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay 4,171.
Waxaa caafimaaday 372 qof oo dheeraad ah halka ay u geeriyoodeen 15 bukaan.
Tirade dadka ka soo kabsaday xanuunkaan ayaa Kenya waxaa ay maraysaa 13,867 halka dhimashada guud ay tahay 438 ruux.
Kiisaska maanta la diiwangaliyay 467 waa Kenyan halka 30 ay yihiin dad ajaaniib ah waxaana u da’ yar 6 bilood waxaana u da’ weyn 80, 312 waa Rag halka 185 ay yihiin dumar.
Tan iyo kiiskii ugu horaysay cudurka Corona Virus dalka laga helay waxaa baaritaan lagu sameeyay dad gaaraya 362,501.
Ismamaulka Nairobi ayaa hogaaminaya kiisaska Corona ee dalka waxaana laga diiwangaliyay 16,196.
Ismaamulada kale eek u soo xiga waxaa ka mid ah Mombasa oo guud ahaan laga diiwangaliyay 2,154, Kiambu 1,964 cases, Kajiado 1,514 iyo Machakos oo laga diiwangaliyay 971. Sida ay sheegtay . Dr Mercy Mwangangi oo ah xog’hayaha maamulka caafimaadka ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here