150 Qof oo ka Badbaaday Shil Diyaaradeed

Diyaarad kuwa rakaabka ah oo sidday 143 qof oo rakaab ahaaa ayaa si nabad ah ugu dul dhacday wabiga  Johnville  ee gobolka Florida oo ka tirsan dalka Mareykanka

Diyaaraddaan oo nuuceedu ahaa  Boeing 737,waxa ay ka timid dalka Kuba,iyadoo ku socotay Woqooyiga gobolka Folorida,mana jirto wax dhimasho ama dhaawac ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Florida

Madaxa Boliiska ee magaalada Jacksonville ,ayaa sheeegay in diyaaradaasi ay si nabad ah u  dul sabeyneyso biyaha dushooda,isla markaana ay ka badbaaday in ay quusto ama ay tagto gunta hoose ee biyaha.

Ciidamada ammaanka maraakiibta iyo kuwa gargaarka degdegga ah ayaa gurmad bani’aadanimo u fidiyay dhibanayashii ka badbaaday shilka diyaaradaasi,waxaana illaa hadda socota baaritan la xiriira waxa sababay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here