152 xaaladood oo Coronavirus oo dalka laga xaqiijiyay

Wasaaradda Caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa manta xaqiijisay 152 xaaladood oo cusub oo ah cudurka ‘coronavirus, kadib markii baritan lagusameeye gudaha dalka inta u dhexeysa Sabtida iyo Axadda.
Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in 13 ka mid ah bukaanada ay yihiin ajaanib halka inta kale ay yihiin kenyaan.
Kiisaska cusub ayaa la xaqiijiyay ka dib markii la baaray dheecanada 2,224 qof waxaana ilaa hadda la baaray 516,706 dheecaan tan iyo markii dalka laga xaqiijiyay kiiski ugu horeeyay ee Coronavirus.
Bukaanka ugu yar oo cudurka lagahelay waa cunug 3 jir ah halka kan ugu weyna da’adiidu waa 89.
84 ka mid ah kiisaska cusub waxaa rag halka 68 ay yihiin dumar taasi oo ka dhigeysa wadarta guud ee kiisaska dalka 36,981.
Xaaldahan cusub ayaa waxa laga diiwaan galiyay ismamaulada kala ah Nairobi 34, Mombasa 24, Kisii 20 Kiambu 19, Kisumu 19, Nakuru 10, Turkana 8, Kajiado 3, Kakamega 2, Meru 2, Embu 2, Kericho 1, Marsabit 1, Nyamira 1, Samburu 1, Siaya 1, Uasin Gishu 1 , Taita Taveta 1, Machakos 1 iyo Murang’a 1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here