16 dhakhaatiir ah oo ilaa iyo hadda gudaha dalka ugu dhimatay COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in tan iyo markii gudaha wadanka lagu arkay coronavirus ay cudurka COVID19 u dhinteen 16 dhakhaatiir ah.
Xoghayaha sare ee wasaaradda u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa hoosta ka xarriiqday in tirada guud ee saraakiisha caafimaad ee uu cudurku haleelay ay tahay 945.
Waxay intaa ku dartay in saraakiishan uu cudurka ku dhacay iyagoo ka howlgalaya 35 ka mid ah ismaamullada dalka.
Gudaha Kenya waxaa COVID19 kaga caafimaaday 23,611, tirada guud ee kiisaska fayraska ee la diiwaangeliyay ayaa ah 36,576 halka dhimashada guud ay tahay 642 qof.
Dr. Mwangangi ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay inay badbaadiso nolosha howlwadeenada caafimaad kaddib markii ay cabasho ka muujiyeen inaysan haysan agabka PPEs.
Sido kale waxay xustay in si buuxda loo dhaqangelin doono xeerarka iyo tallaabooyinka lagu wanaajinayo xaaladda caafimaad ee bukaanka laguna badbaadinaya noloshooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here