16 eedeysanayaal ah oo lala xiriirinaya dagaalo ka dhacay Rift Valley oo maxkamadda la soo taagaya

Waxaa lagu wadaa inay maanta maxkamadda ka soo hor muuqdaan 16 qof oo lagu eedeynaya inay ka dambeeyeen dagaal beeleed u dhexeya qowmiyadaha Kipsigis iyo Ogiek oo ka dhacay deegaanka Mariashoni ee ismaamulka Nakuru gobolka Rift Valley.
Isku duwaha ammaanka ee gobolkaas George Natembeya ayaa sidatan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu xusay in 5 qof la dilay halka 83 kalena ay dhaawacmeen.
3008 qof oo kale ayaa isku dhacyada ku barakacay.
Mr. Natembeya ayaa xusay in maanta la billaabaya wada hadalo nabadeed oo xaaladda halkaas ka taagan lagu dejinaya .
Dagaal beeledyada ayaa saameeyay ilaa 10 tuulo waxaana qoyaska barakacay loogu baaqay inay guriyahooda dib ugu soo laabtaan .
Arrimahan ayaa ku soo aadaya kaddib markii dhawaan ismaamulka Nakuru lagu soo rogay Bandow shaqeynaya 5 cisho oo jiraya inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 7-da aroornimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here