16 eedeysanayaal lagu qabtay Samburu oo berri maxkamad la soo taagayo

27

Waxaa berri la filayaa in maxkamad la soo taago 16 qof oo eedeysanayaal ah oo ay ciidamada booliska ka soo qabteen degmada Maralal ee ismaamulka Samburu.
Dadkan ayaa loo haystaa ku lug lahaanshaha falal dambiyeedyo ka dhacay dowlad deegaankaasi sida dhac hantiyeed iyo kufsi la gaystay.
Guddoomiyaha barnaamijka sugidda nabadgalyada xaafadaha ee Nyumba Kumi ee magaalada Maralal Guuleed Maxamad ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo uu burcad ku tilmaamay ay habeen iyo maalin dhibaatooyin u gaysanayeen shacabka iyagoo faraxumeynayay haweenka iyo gabdhaha da’yarta ah.
Taliyaha booliska ismaamulka Samburu ,Karanja Muiruri ayaa dhankiisa sheegay in 16-ka qof ay hadda ku jiraan saldhigga booliska ee Maralal .
Waxaa uu taliyuhu shacabka ugu baaqay inay laamaha ammaanka u soo gudbiyaan xog waliba oo ay hayaan taasi oo fududeyn karto in eedeysanayaal dheeraad ah la soo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here