16 ka mid ah ismaamullada dalka oo bixiyay deymo lagu yeeshay

Maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o ayaa shaaca ka qaadday in 16 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka ay bixiyeen lacago deymo ah oo ay ku yeesheen shakhsiyaad iyo shirkado qaab qandaraas ah adeegyo ugu fidiyay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ismaamulladan ay bixiyeen dhammaan lacagihii lagu lahaa oo dhan 32.93 bilyan oo shilin.
Sannadkii hore ayay ahayd markii wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka ay sheegtay in heerarka kala duwan ee dowladda lagu leeyahay deyn dhan 227 bilyan oo shilin.
Dhanka kale madaxa xisbiga Thirdway Alliance, Dr .Ekuru Aukot ayaa hoosta ka xarriiqay inay maxkamadda aadayaan si ay ugu doodaan qandaraasle kasta oo ay lacag ka maqan tahay.
Ismaamullada aan hadda wax deyn ah lagu lahayn sida laga soo xigtay maareeyaha miisaaniyadda dowladda ayaa ah Baringo, Elgeyo Markwet, Embu, Homa Bay, Kajiado, Kitui, Kilifi, Kwale, Laikipia, Makueni, Nyamira, Nyandarua, Nyeri, Kakamega, Uasin Gishu iyo Lamu.
5-tii bishii Diseembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii wasaaradda maaliyadda ay soo saartay wareegto lagu xusay in 20 ismaamul aan la siin doonin deeqaha shuruudda lagu xiro ilaa iyo inta ay ka bixinayaan deymaha ku maqan .
Ismaamullada xilligaasi la far fiiqay waxaa ka mid ahaa Taita Taveta, Turkana, Kisumu, Meru, Samburu, Nakuru, Muranga, Mandera, Kisii ,Busia, Marsabit, Bungoma, Siaya, Trans Nzoia, Kitui, galbeedka Pokot, Embu, Kakamega, Wajeer iyo Lamu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here