16 maxaabiis ah oo lagu dilay dalka Mexico

Wararka naga soo gaaraya dalka Mexico ayaa sheegaya in 16 maxaabiis ah ay ku dhinteen dagaal ka dhex qarxay xabsi halkaas ku yaallo.
Waxay sido kale dhacdadan oo laga soo tabiyay gobolka waqooyi ee Zacatecas dhaawacyo ka soo gaareen 5 qof oo dheeraad ah.
Maamullada wadankaas ayaa arrintan ku tilmaamay mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee soo maro waaxda asluubta tan iyo intii uu hoggaanka qabtay madaxweyne Andres Manuel Lopez Obrador.
Warbaahinta Mexico ayaa ku warramaysa in dagaalka uu ka biilowday ama salka ku hayo muran ka dhashay kubadda cagta.
Wasiirka gobolkaas u qaabilsan badbaadada shacabka Ismaaciil Camberos ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono dhammaan howlwadeenadii shaqeynayay marka uu dagaalka dhacayay iyo kuwii ka sii horreeyay labaduba.
Mr.Camberos ayaan faahfaahin ka bixin sababta rasmiga ah ee isku dhacyada keentay balse waxaa uu ku gaabsaday oo keliya in xaaladda la dejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here