16 qof oo dalka ugu dhimatay Corona Virus

Kiisaska Coronavirus-ka Kenya ayaa Jimciha maanta gaartay 31,763, iyada oo wasaaradda caafimaadku ay diiwangalisay kiisas hor leh oo dhan 322 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dib markii la baaray dad gaaraya 4,470 .
Guud ahaan Kenya waxaa fyruskan laga baray 412,080 ruux.
Xoghayaha Maamulka Caafimaadka dalka u qaabilsan Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in 288 qof ay ka soo kabsadeen Corona Virus taas oo bogsashada guud ka dhigaysa 18,157.
Waxaana u dhimatay maanta 16 qof oo dheeraad ah taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 532.
Heerka dhimashada kiisaska dalka ayaa ah boqolkiba 1.6 taas oo laga yaabo inay ka yaradaan iyadoona ay wasaaradda caafimaadka wado dadaalo dheeraad ah ee lagu xakamaynayo xanuunkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here