16 qof oo ku dhimatay daadad saameyay Japan

Wararka naga soo gaaraya Koonfurta dalka Japan ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhinteen 16 qof kaddib roobab xooggan oo da’ay oo ay fatahaado iyo dhul go’o ka dhasheen.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay jasiiradda Kyushu waxaana dhanka kale weli la la’yahay 13 qof.
Warbaahinta dowladda Japan ee NHK oo soo xiganaysa waaxda saadaasha hawada ayaa ku warramaysa in roobabka ay dib u billaaban karaan galinka dambe ee maanta.
Waaxda saadaasha hawada ee Japan ayaa shacabka ugu baaqday inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here