16 qof oo la dhigay isbitaal ku yaalla Bomet kaddib cunno sumeysan oo ay cuneen

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Bomet ayaa sheegaya in isbitaalka deegaanka Longisa la geeyay 16 qof oo la rumeysan yahay inay saameyn ka soo gaartay cunno sumeysan.
Galinkii dambe ee shalay ayaa dadkan halkaas la dhigay.
13 ka mid ah oo uu ku jiro canug da’diisu lagu sheegay 13 sano waxay ka wada tirsan yihiin hal qoys.
Wasiirka adeegyada daawooyinka iyo caafimaadka guud ee Bomet ,Joseph Sitonik ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan dadkan ay ka soo jeedaan tuulada Mulot ee ismaamulka Bomet dariska la ah ee Narok .
Dr. Sitonik ayaa intaas ku daray in bukaannada isbitaalka loola soo cararay kaddib markii ay wareereen iyagoo sheeganaya inaynan si fiican wax u arkeyn qaar ka mid ahna ay kaadida dhibayso.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkan ay qaateen cunno wasaqeysan.
Wasiirka ayaa sheegay in xaaladooda caafimaad lala tacaalay oo ay hadda soo hagaagaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here