16 qof oo lagu dilay Mexico

Wararka naga soo gaaraya gobolka galbeed ee dalka Mexico ee Sinaloa, ayaa sheegaya in dagaal halkaas ku dhexmaray laba koox oo hubeysan ay ku dhinteen 16 qof.
Wasaraadda amniga ee dalkaas ayaa warbaahinta u xaqiijisay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weeraradaas.
Wasiirka amniga ee Mexico Cristobal Castaneda ayaa sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyay burcad ama waxa uu ku tilmaamay kooxo abaabulan oo falal dambiyeedyada gaysta.
Madaxweynaha dalka Mexico ,Andres Manuel Lopez oo hoggaanka qabtay bishii 12-aad ee sannadkii 2018-kii ayaa horay u ballanqaaday inuu wax weyn ka qaban doono amniga balse tan iyo sannadkii hore waxaa sii kordhayay rabshadaha dhexmaro kooxaha hubeysan ee iska soo horjeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here