160,000 macalimiin ah oo mushaar kordhin loo sameynayo

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyo ururada barayaasha ee kala ah KNUT iyo KUPPET ayaa ku heshiiyay in mushaar kordhin loo sameeyo qaar ka mid ah macallimiinta dalka .
Sido kale laga billaabo bisha soo socoto barayaal tiro ahaan dhan 160,000 ayaa waxaa u billaabanaya mushaaraad hor leh oo ay qaadanayaan.
Barayaasha mushaar kordhinta loo sameynayo ayaa haya xilal ay ka mid yihiin maamulayaal iyo ku xigeenadooda.
Qaar ka mid ah ayaa in muddo ah shaqeynayay waxaana lagu tilmaamaa barayaal sare.
Qorshaha mushaar kordhinta barayaasha ee wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa loo adeegsanayaa dhaqaale gaaraya 13 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here