17 eedeysanayaal ah oo maanta maxkamadda la soo taagaya

Waxaa la filayaa in maanta ay maxkamadda ka soo hormuuqdaan 17 eedeysanayaal ah oo habeen hore la qabtay.
Dadkan ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo ku sugan mid ka mid ah goobaha lagu caweeyo ee xaafadda Utawala ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa loo haystaa inay jabiyeen amarka dowladda ee la xariira bandowga habeenkii iyo sido kale tallaabadii lagu xiray goobahaas.
Ciidamada ammaanka ayaa eedeysanayaasha qabtay abaare 9-kii fiidnimo waxaana loo sii qaaday saldhigga booliska ee xaafadda Kayole.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu ka digay in la furo meelaha lagu caweeyo.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay dhawaan muddo 30 cisho ah ku kordhisay mudada ay xarumahan sii xirnaanayaan sidaas awgeedna goobtii la furo lagala laabanaya leesinka ay ku shaqeyso sido kalena aan weligeed dib loogu soo celin doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here