17 qof oo khamaarka ka ganacsanayay oo dalka laga tarxiilay

17 qof oo ajaaniib ah ayaa wadanka laga tarxiilay kaddib markii dowladdu ay ogaatay inay ka ganacsadaan khamaarka.
Arrintan ayaa timid hal maalin un kaddib markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I uu xoghayaha waaxda socdaalka ,Gordon Kihalangwa ku amray inuu dib u eegis ku sameeyo ajaaniibta dalka soo galay iyagoo sheegaya inay ganacsi sax ah sameynayaan balse khamaarka ku howlan.
Dadkan la tarxiilay ayaa isugu jiro kuwo ka soo jeedo wadamada Shiinaha. Turkiga iyo Spain.
Waxaa gudaha wadanka ka jiro in ka badan 30 shirkadood iyo xarumood oo ah kuwa ka ganacsada khamaarka.
Dr. Fred Matiangi ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada khamaarka gaar ahaan ajaaniibta wadanka yimaado.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaan marnaba la ogolaan doonin ganacsi sharci darro ah oo hoos u dhac ku keenaya dhaqaalaha dalkani Kenya.
Wasiirka ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkadaha khamaarka aynan bixin lacag dhan 26 bilyan oo ah canshuurta uu aruuriyo maamulka KRA.
Dr.Matiangi’ ayaa sido kale sheegay inay caqabad ka haysato dhanka waaxda garsoorka maadaama eedeysanayaasha marka la qabto ay maxkamadda ka soo qaadanayaan amaro howlgalada dowladda lagu hor istaagayo.
Warbixin horay loo soo saaray ayaa lagu sheegay in 500,000 oo Kenyaan ah oo dhalinyaro u badan laga mamnuucay inay shirkadaha kala duwan lacago amaah ah ka qaataan maadaama dhaqaale horay loo siiyay ay khamaar u adeegsadeen halkaasina uu kaga lumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here