17 qof oo ku dhimatay Diyaarad militari oo ku burburtay Pakistaan

17 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Diyaarad ay leeyihiin militariga Pakistaan oo ku burburtay xaafad dad badan ay degan yihiin oo kutaalla magaalada Rawalpindi ee wadankaasi , sida ay sheegeen saraakiisha ku sugan gobolkaas.
waxaana shilkaasi ku dhawaacmay 12 qof oo kamid ah dadka deegaanka.
Dabka ka dhashay diyaaradda burburtay ayaa waxaa uu saameyn xoogan ku yeeshay guryo dhowr ah oo ku yaalay goobta ay diyaaradu ku dhacday.
Magaalada Rawalpindi oo u dhaw caasimadda Pakistaan ee Islamabad ayaa waxaa ku yaalla saldhigyada militari ee ugu waaweyn dalkaas.
Ilaa iyo hadda Makala cadda waxyaabaha sababay shilka diyaarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here