17 qof oo laga qabtay goob lagu caweeyo oo ku taalla Nairobi

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in berri oo Isniin ah maxkamadda la soo taagi doono 17 eedeysanayaal ah oo la qabtay xalay.
Dadkan ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo ku sugan mid ka mid ah goobaha lagu caweeya ee xaafadda Utawala ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa loo haystaa inay jabiyeen amarka dowladda ee la xariira bandowga habeenkii iyo sido kale tallaabadii lagu xiray goobahaas.
Ciidamada ammaanka ayaa eedeysanayaasha qabtay abaare 9-kii fiidnimo waxaana loo sii qaaday saldhigga booliska ee xaafadda Kayole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here