17 qof oo lagu dilay Suudaan

89

Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay xaqiijisay in weerar la gaystay horraantii toddobaadkan oo ka dhacay dalka Suudaan lagu dilay 17 qof.
Falkaasi oo laga soo tabiyay tuulada Deleij ee gobolka Daarfuur ayaa sido kale dab lagu qabadsiiyay in ka badan 100 guri.
Howlgalka nabad sugidda ee qaramada midoobay ee Suudaan ayaa intaasi ku daray in 15 qof oo dheeraad ah la dhaawacay.
Rabshadaha ayaa u dhexeyay dad xoolo dhaqato ah iyo kuwa deegaanka kaddib caro ka dhalatay sare u kac ku yimid qiimaha waxyaabaha lagu iibiyo suuqyada gobolkaasi.
Dhanka kale hay’adda caalamiga ee xuquuqul insaanka ee Amnesty ayaa laga soo xigtay in muddo hal sano gudaheed ah gobolka Daarfuur lagu burburiyay ugu yaraan 45 tuulooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here