170 Kenyaan ku xayirnaa Sacuudi Carabiya oo dalka imaanaya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twittarka ku sheegtay inay wadanka dib ugu soo laabanayaan 170 qof oo Kenyaan ah kuwaasoo in muddo ah ku xayirnaa boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxay soo raacayaan mid ka mid ah diyaaradaha Saudi Airline oo ka soo duushay magaalada Jeddah.
Qoraalka waxaa ku xusan in shacabkan ay yihiin kooxdii labaad oo ay safaaradda Kenya ee Sacuudi Carabiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda iska kaashadeen in la soo daadgureeyo.
Waxaa toddobaadkii hore dalka dib loogu soo celiyay rakaab gaarayay 43 qof.
Sacuudi Carabiya ayaan weli hawadeeda u furin duulimaadyada caalamiga waxayna wasaaraddu sheegaysaa in tani ay sababta dadaallada ku aaddan dib u soo celinta muwaadiniinta halkaas ku xayiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here