18 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarada Israa’iil

Ilaa iyo hadda 18 qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay marinka Qaza oo ciidamada Israa’iil ay weeraro dhanka cirka ah ka fuliyeen sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Qaza Ashraf al-Qidra
Waxay dhanka kale dhaawacyo soo gaareen ilaa 50 dheeraad ah.
Dhawaan ayay ahayd markii Israa’iil ay sheegtay inay dishay taliye ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa la magacbaxay Islamic Jihad oo lagu magacaabi jiray Bahaa Abu al-Ata iyo xaaskiisa.
Afhaueenka madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaasi ,Nabil Abu Rudeineh, ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray gardarrada Israa’iil ay qasab tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro.
Wakaaladda wararka ee Wafa ayaa ku warramaysa in mas’uulkan uu beesha caalamka ugu baaqay inay cadaadis saarto maamulka Israa’iil si howlgallada socdo loo joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here