18 ka mid ah ismaamullada dalka oo uu saameeyay coronavirus

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ilaa iyo hadda 18 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay laga soo tabiyay kiisaska caabuqa coronavirus.
Waxaa liiska dowlad deegaannadan ugu dambeysa Isiolo.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay sheegtay in la xaqiijiyay 25 kiis oo dheeraad ah taasoo tirada guud ka dhigtay 607.
Waxay isugu 17 laga diiwaangeliyay Nairobi, 2 Wajeer,2 Kajiado,
1 Mombasa ,1 Migori,1 Isiolo iyo 1 Nakuru

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here