18 ka mid ah shaqaalaha xafiiska wasaaradda dowlad wadaajinta oo laga helay Covid-19

Dhammaan shaqaalaha ka howlgala xafiiska wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka ayaa la faray inay si iskood ah isku karantiilaan kaddib markii 18 ka mid shaqaalaha xafiiska laga helay cudurka Covid-19.
Howlwadeenada ayaa laga doonaya inay meel gaar ah ku sugnaadaan muddo labo toddobaad ah.
Xoghayaha wasaaradda dowlad wadaajinta Charles Sunkuli, ayaa shaaciyay in natiijadan ay soo baxday kaddib baaritaano lagu sameeyay ilaa 128 dheecaan.
Dheecaanka dadkan ayaa la qaaday 23-kii bishii hore ee sannadkan.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhammaan xubnaha ka howlgala xafiisyada waaxyaha wasaaradda looga baahan yahay inay is-karantiilaan ilaa 16-ka bishan.
Mr .Sunkuli ayaa intaa raaciyay in saraakiisha laga doonaya inay shaqada dib ugu soo laabtaan 17-ka bishan sideedaad si mar kale baaritaan wadareed loogu sameeyo.
Waxaa uu ugu dambeyntii u mahadceliyay saraakiishii la baaray isagoo xusay in natiijada ay soo dib dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here