18 qof oo ka qeyb galayay xaflad oo lagu qabtay xaafada Jamhuuri

Saraakiisha saldhigga booliska ee Kilimani ayaa gacanta ku dhigay 18 qof ku sugnaa goob ay xaflad ka socotay oo ku taalla xaafada Jamhuuri estate ee magaaladatan Nairobi.
Shakhsiyaadka la qabtay ayaa waxaa ku jira caruur da’adoodu ka hooseyso 18 sano sido kale rag iyo dumar oo ay la socdaan gabdho iyo wiilal ku waas oo da’adoodu u dhaxeyso 14 ila 30 sano.
Taliyaha saldhigga booliska ee Kilimani Lucas Oigara ayaa sheegay in ay heleen macluumaad ku saabsan in dadka isugu soo urureen xafladda.
Mr Lucas Oigara ayaa intaa ku daray in eedeysanayaasha su’aalo la weydin doono si loo xaqiijiyo sababta ay hal meel isugu wada uruureyn asagoona xusay in goobta ay ku sugnaayeen kuwa aan asturneyn.
Munaasabadda ayaa ahayd xaflad dhaqameed sida ay saraakiishu sheegeen.
Isbuuci hore ayaa gacanta lagu dhigay 39 qof oo haween soomaali ah oo ku sugnaa xaflad aroos oo ka dhacaysay Nasra Estate oo ku taalla xaafada Kamorock ee magaaladatan Nairobi.
Waxaana lagu qasbay 14 maalmood oo karantiil ah.
Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyada oo ay dowladu mamnuucday isku imaatinka dadweynaha sida kaniisadaha, masaajidda , aroosyada iyo isku dawaanshaha dadweynaha si looga hortaga faafitaanka cudur sidaha coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here