18 qof oo Kenya ugu dhimatay cudurka Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 18 bukaan ay u geeriyoodeen cudurka coronavirus.
Waxaa dalka maanta laga diiwaan geliyay 679 xaaladood oo ah Covid-19 ka dib markii la baaaray 6590 qof.
Tirada guud ayaa hadda ah 28,104 halka wadarta guud ee dadka laga baaaray cudurka dalkani Kenya ay tahay 369,091.
Dadka xanuunkan u geeriyooday ayaa hadda ah 456.
Kiisaska ayaa laga kala diiwaan geliyay Nairobi (349), Kiambu (69), Kajiado (35 ), Nyeri (23), Machakos(25), Garisssa(18), Mombasa(16), Kericho(14), Uasin Gishu(13), Nyandurua(13), Tharaka Nithi(11), Laikipia(9), Nakuru iyo Migori (8), Kisumu (7) Nandi iyo Busia (6), Meru (5), Murang’a, Kirinyaga, Makueni iyo Isiolo (4), Tana River iyo Tranzoia Nzoia (4)min hal kiis.
Dhanka kale waxaa cudurka ka bogsaday 783.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here