18 qof oo ku dhintay dhisme ku dumay Cambodia

18 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Cambodia kaddib markii uu halkaasi ku dumay guri uu dhisme ku socday.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay magaala xeebeedka Sihanoukville ee ku taalla galbeedka caasimadda wadankaasi ee Phnom Penh.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in guriga dumay uu ka kooban yahay 7 dabaq.
Xafiiska afhayeenka gobolkaasi Preah Sihanouk ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof oo kale ay dhaawacmeen halka qaar ka mid ah shaqaalaha ay weli ku hoos xanniban yihiin dhismaha dumay.
Bayaan uu soo saaray afhayeenka ayuu ku sheegay in boqolkiiba 40 ee burburka gurigaasi meesha laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here