180 qof oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay meel u dhow Tehran

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in diyaarad laga leeyahay dalka Ukraine ay ku burburtay meel aan sidaas uga fogeyn gagida diyaaradaha ee Imam Khomeini oo ku yaalla caasimadda wadanka Iiraan ee Tehran.
Diyaaradda ayaa sidday 180 qof oo rakaab ah iyo qaar ka mid ah shaqaalaheeda mana jirto cid ka badbaaday shilkaas.
Warbaahinta dowladda iiraan ayaa ku warramaysa in dhammaan dadkii diyaaradda la socday ay dhinteen.
Diyaaradda ayaa nooceeda lagu sheegay Boeing 737-800 waxayna soo dhacday xilli ay u dhawayd magaalada Parand oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan Tehran.
Burburka ayaa yimid wax yar un kaddib markii diyaaradda ay soo duushay.
Horraantii sannadkii 2019-kii ayayd ahayd markii diyaarad kale oo ku burburtay caasimadda iiraan ay ku dhinteen 15 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here