18,000 oo macallimiin ah oo loo tababarayo manhajka cusub ee waxbarashada

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in barayaal dhan 18,000 ay qaadan doonaan tababar ku aaddan manhajka cusub ee tacliinta.
Tababarka ayaa socon doono muddo 12 cisho ah waxaana la qabanayaa ka hor inta aan la soo kordhin heerka shanaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano Grade Five ee nidaamkan cusub ku saleysan.
Qoraalka TSC oo uu saxiixay agaasimaha xaqiijinta tayada Reuben Nthamburi ayaa waxaa ku cad in tababarka uu billaaban doono 23-ka bishan 11-aad wuxuuna soconayaa ilaa 5-ta Diseembar ee sannadkan.
Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxa fulinta ee guddiga TSC Ms Nancy Macharia ay guddiga waxbarashada ee baarlamaanka u sheegtay inay qorsheynayaan in tababaro la siiyo 6,000 oo ah macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada caadiga iyo 12,000 oo ah barayaasha xarumaha gaarka u ah naafada.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here