189 xaalado cusub oo coronavirus oo laga xaqiijiyay dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay inay xaqiijisay kiisas hor leh oo dhan 189 oo ah kuwa cudurka COVID19.
Tani ayaa timid kaddib markii 24-kii saacadood ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyay dheecaan gaaraya 1,205 .
Ilaa iyo hadda baaritaannada guud ee la sameeyay waxay yihiin 216,242 halka xaaladaha guud ee cudurka ee dalka ay marayaan 10,294.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 106 rag iyo 83 haween ah waxayna da’dooda u dhaxaysaa 5 sano iyo 71 sano jir. Waxaa cudurka maanta gudaha dalka u dhimatay 12 qof taas oo dhimashada guud ka dhigeyso 197.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here