19 gobol oo dacwad ka gudbiyay madaxweynaha Maraykanka

Xeer ilaaliyaasha 19 gobol iyo degmada Columbia ayaa dacwad ka gudbiyay maamulka madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump.
Waxay doonayaan in la hor istaago amar jimcihii la soo daabacay oo dhigaya in si aan kala saarid lahayn xabsiga loogu taxaabo qoysaska soogalootiga ee deggan dalkaasi.
Saraakiishan ayaa ku doodaya in sharcigan oo lagu tallaabo qaado uu khatar gelinayo nolosha carruurta.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu dhaqangalo bisha tobnaad ee sanandkan waxayna tani qeyb ka tahay dadaalada Trump uu tan iyo markii uu hoggaanka qabtay ugu jiray la tacaalidda socdaalka sharci darrada ah.
Dacwaddan ayaa loo gudbiyay maxkamad ku taalla Los Angeles, hasa ahaate maamulka Trump ayaan weli ka hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here