19 ka mid ah ismaamullada dalka oo laga soo tabiyay kiisaska cudurka Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in cudurka Covid-19 uu hadda ku sii fidayo qeybaha kala duwan ee wadanka.
19 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu dalka ka kooban yahay ayaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay kiisas la xiriira caabuqa Coronavirus.
Galinkii dambe ee shalay ayay Dowladda shaacisay 8 kiis oo cusub taasoo tirada guud ka dhigaysa 216.
8-dan kiis ayaa isugu jiro 6 laga soo tabiyay Nairobi , Siaya 1 iyo Nakuru 1.
Sido kale waxaa cudurka gudaha wadanka uga bogsaday 41 qof halka tirada dadka u dhintay ay tahay 41.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi oo sheegtay in ismaamullada laga helay kiisaska cudurka ay kala yihiin.
Nairobi-101, Kilifi-10, Mombasa-34, Nakuru-5, Mandera-6, Kiambu-7, Laikipia-2, Kisii- 1, Kitui- 2, Kajiado-2, Muranga-2, Homabay-1, Kakamega-2, Nyamira-1, Nyandarua-2, Nyeri-1, Uasin Gishu-2, Vihiga-1 iyo Kwale-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here