19 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Ruushka

Ku dhawaad 20 qof oo rakaab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen wadanka Ruushka gaar ahaan dhanka fog ee bariga kaddib shil baabuur oo halkaasi ka dhacay.
Shilka ayaa yimid kaddib markii bas ay dadkan saarnayeen uu meel buundo ah ka dhacay oo uuna webi ku taraaraxay.
Bayaan uu soo saaray mid ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Ruushka ku matalo gobolka Zabaikalsk ayaa lagu sheegay in 21 kale ay dhaawacmeen.
Wasaaradda Ruushka u qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ayaa dhankeeda sheegtay in baska uu ka soo ambabaxay magaalada Sretensk .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here