2.6 milyan qof oo ku nool dalka oo samaysay abaarta

Qiyaastii 2.6 milyan oo qof ayaa saamaysay abaarta daran eek a jirta qeybo ka mid ah dalka.
Dowladda dalka ayaa sheegtay in dadka wajahayaa abaaraha ka jira dalka ay u baahanyihiin gargaar cuno iyo biyo.
623,000 oo caruur ah iyo 69,000 oo ah hooyooyin uur leh iyo kuwa nuujinaya, ayaa halis ugu jira nafaqo-daro maadaama abaaro daran ay ka jiraan qaar ka mid ah gobolada dalka.
Ismamaulka Turkana ayaa ah meesha ugu daran ay ka jiraan abaaraha waxaa ayna saamaysay carrur dhan 250,000 ay da’doodu ka yar tahay 5 sano kuwaas oo ku kala nool waqooyiga Turkana iyo Koonfurta Turkana.
Afhayeenka dowladda dalka Cyrus Oguna ayaa sheegay in 200,000 oo qof oo kale oo ku nool galbeedka Turkana , bartamaha Turkana, Baringo, Tana River, Samburu iyo Moyale ay wajahayaan nafaqo-xumo aad u daran.
23 degmo ayaa six un waxaa ay u saamaysay abaarta waxaa ayna u baahanyihiin gargaar deg deg ah.
Waxaana ka mid ah ismaamulada sida weyn ay u saamaysay abaarta Gaarisa, Mandheera, Wajir, Marsabit, Tharaka-Nithi, Isiolo, Embu iyo Kitui.
Afhayeenka dowladda dalka ayaa sheegay in ilaa hadda ay dowladda qoondaysay Sh3.7 bilyan kuwaas loogu talagalay wax ka qabashada abaarta intii u dhexaysa bilaha Sebtember iyo Diseembar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here