2 boolis ah oo lagu xiray Kakamega

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in gacanta lagu dhigay labo sarkaal oo boolis ah oo ka howlgalayay saldhigga Mbururu ee ismaamulka Kakamega.
Waxaa lala xiriiriyay dil dhawaan loo gaystay nin lagu magacaabi jiray Dennis Lusava oo eedeysane ahaa.
Lusava ayaa la xiray 7-dii bishan kaddib markii lagu eedeyay inuusan sidan maaskaro sida qaar ka mid ah warbaahinta dalka ay tabisay.
Hasa ahaate ciidamada ammaanka ayaa sheegay in eedeysanaha gacanta lagu dhigay kaddib markii uu dhibaateeyay sarkaal boolis ah.
11-kii bishan Oktoobar ayaa meydka eedeysanaha laga helay webiga Nzoia ee Webuye.
Waaxda DCI oo sheegtay in baaritaanadan dhacdadan ku aaddan ay sii soconayaan ayaa xustay in labada sarkaal ee la qabtay hadda su’aalo la weydinaya si loo xaqiijiyo inay dilka eedeysanaha ku lug lahayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here