2 boolis iyo guddoomiye xaafadeed lagu dilay Tharaka Nithi

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Tharaka Nithi ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay afar qof oo ay ka mid yihiin laba sarkaal oo boolis ah iyo guddoomiye xaafadeed.
Dadka la dilay waxaa ku jiro taliyihii saldhigga booliska ee magaalada Chuka ,Joseph Kinyua .
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda loo yaqaano Kamahindi waxayna u muuqataa inuu ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay bulshada iyo maamulka hoose ee halkaasi ka jiro.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in booliska ay ku raadjoogeen eedeysanayaal loo haysto inay dileen guddoomiye xaafadeed lagu magacaabo Japhet Majau oo dad careysay ay ka takhaluseen galinkii dambe ee shalay.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka Chuka Beverly Opwora ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka soo weeraray laba sarkaal ee booliska ah aan weli haybtoodu la garan in kastoo baaritaano dhacdadan ku aaddan ay socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here