2 dhakhaatiir dheeraad oo u dhimatay COVID19

Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Samuel Oroko ayaa sheegay in cudurka COVID19 ay u dhinteen labo saraakiil caafimaad oo dheeraad ah.
Mr.Oroko ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu dowladda ugu baaqay inay la timaado qorsho dhamaystiran oo ku aadan in howlwadeenada caafimaad aynan bixin qarashaadka lagu daaweeyo.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in la dhaqangeliyo qorshaha arrinkan loo dejiyay taasoo sida uu hadalka u dhigay aan codsi ahayn.
Mr. Oroko ayaa sheegay inay dalbanayaan in la badbaadiyo nolosha saraakiisha caafimaad ee safka hore kaga jiro wax ka qabashada cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here