2 ka mid ah ciidamada nabad sugidda Qaramada midoobay ee Mali oo la dilay

Howlgalka nabad sugidda ee qaramada midoobay ee dalka Mali ayaa sheegay in laba sarkaal looga dilay weerar wadankaas ka dhacay.
Saraakiisha ayaa la dilay kaddib markii la bartilmaameedsaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen.
Falkan uu ka dhashay khasaaraha nafeed ayaa laga soo tabiyay waqooyiga Mali.
Madaxa howlgalka nabad sugidda jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee Mali Mahamat Saleh Annadif ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inaan weli la aqoonsan dableydii weerarka soo qaadday ee labada sarkaal dhisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here