2 ka mid ah macallimiinta Murang’a oo la xiray kaddib markii faraxumeyn lagu eedeyay

Waxaa xabsiga loo taxaabay laba ka mid ah barayaasha ka howlgalo ismaamulka Murang’a oo wax ka dhigayay dugsiga sare ee Ndutumi.
Macallimiintan ayaa lagu eedeyay inay faraxumeyn u gaysteen gabadh dhiganaysay fasalka koobaad ee xaruntaasi waxbarasho.
Mid ka mid ah saraakiisha waaxda dambi baarista ee dowlad deegaankaasi oo lagu magacaabo Julius Rutere ayaa arrinkan warbaahinta u sheegay.
Mr. Rutere ayaa intaasi ku daray in maanta oo Arbaco ah la filayo in eedeysanayaasha maxkamadda la soo taago.
Falka dhacay ayuu cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here