2 ka mid ah madaxda kaniisadda Katholiga oo la xiray in ka badan 40 sano

Maxkamad ku taalla dalka Argentina ayaa laba ka mid ah mas’uuliyiinta kaniisadda Katholiga ku heshay dambiyo la xiriira galmada.
Waxaa lagu soo oogay dacwado ah inay faraxumeyeen arday dhaka maqalka naafa ka ah oo wax ka dhiganayay dugsi ku yaalla gobolka Mendoza.
Kiisaska loo haystay eedeysanayaasha kala ah Nicola Corradi iyo Horacio Corbacho ayaa tiro ahaan dhan 28.
Waxaa lagu kala xukumay 42 iyo 45 sano oo xabsi ah kaddib markii dembiyadda ay galeen lagu caddeeyay.
Waxaa sido kale isna 18 sano la xiray Armando Gomez oo xaruntaasi waxbarasho ka shaqeynayay.
Go’aanka maxkamadda waxaa ku dhawaaqay garsoorayaasha kala ah Carlos Diaz, Mauricio Juan iyo Anibal Crivelli taaso si toos ah ay u tabinaysay warbaahinta dalka Argentina.
Eedeysanaayaasha la xukumay ayaa waxaan u furneyn wax racfaan ah oo ay qaadan karaan.
In ka badan 20 arday ah oo horay dugsiga Mendoza wax uga dhiganayay ayaa dadka maxkamadda la soo taagay ku marqaati kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here