2 ka mid ah senetarada dalka oo ka soo horjeestay hadal uu madaxweynaha jeediyay

Senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet , Kipchumba Murkomen iyo dhiggiisa Murang’a ,Irungu Kangata oo labaduba qareeno ah ayaa ka soo horjeestay hadal maalmo ka hor u yiri madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
12-kii bishan Diseembar ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu dhaliil u jeediyay senetarada ay ka midka yihiin Murkomen iyo Mutula Kilonzo Junior ee u doodaya barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo musuqmaasuq lagu eedeyay.
Mr. Kenyatta ayaa caddaalad darro ku tilmaamay in mas’uul loo soo doortay inuu kormeer ku sameeyo waxqabadka dowlad deegaanada in dhanka kale uu difaaco mas’uul ismaamul hoggaaminayo oo lala xiriiriyay lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan marnaba loo baahneyn inay isa saameeyaan danta gaarka ah ee shakhsiga xirfadlaha ah iyo midda guud ee bulshada.
Wuxuu sido kale xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki ku amray inuu soo saaro qaraar arrinkan ku aaddan oo loo gudbinayo golaha wasiirrada.
Hasa ahaate senetarrada kala ah Murkomen iyo Kangata ayaa sheegaya inuunan jiri sharci qofka mas’uulka ah ka hor istaagaya inuu xirfadiisa ku shaqeysto.
Waxay intaasi ku dareen in aqalka sare shaqada ugu horreysa ee uu qabto ay tahay ilaalinta danaha ismaamullada marka laga soo tago inuu kormeer ku sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here