2 qof oo Coronavirus ugu dhimatay Koonfur Afrika

Wasiirka caafimaadka ee dalka Koonfur Afrika Dr. Zwelini Mkhize ayaa maanta shaaciyay in la xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee cudurka covid -19 .
Bayaan uu soo saaray wasiirka ayuu ku sheegay in laba qof ay xanuunka ugu dhinteen wadankaas.
Waxaa uu intaas ku daray in labada qof ay ku kala geeriyoodeen laba isbitaal oo mid ay dowladdu leedahay kan kalena si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla gobolka galbeed ee cape .
Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqay in tirada kiisaska la xaqiijiyay ay hadda kor u dhaafeen 1000 halka shalay ay ahayd 927.
Saraakiisha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika ayaa bartamihii xalay dhaqangeliyay xayiraad dhanka isku socodka dadweynaha kaasoo shaqeynaya muddo 3 isbuuc ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha wadankaas Mr. Cyril Ramaphosa.
Mr. Ramaphosa ayaa sheegay in si looga hor tago saameyn ba’an oo uu cudurka ku yeesho Koonfur Afrika ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo degdeg ah oo aan horay loogu dhaqaaqin.
Afar qof aya a jamhuuriyada dimuqaradiga Congo ee DRC waxay ugu dhinteen cudurka coronavirus.
Waxaa halkaas laga xaqiijiyay in ka badan 50 kiis iyadoo madaxweyne Felix Tshisekedi uu xaalad degdeg ah ku dhawaaqay.

Waxaa la xiraya Xudduudda halka la mamnuucay safarrada lagu tago ama looga soo baxo caasimadda wadankaas ee Kinshasa.
Dhanka kale waxaa maanta sii korortay tirada dadka ee wadanka Iiraan ugu dhimatay coronavirus waxayna gaartay 2,378 kaddib markii 24-tii saacadood ee ugu dambeeyay ay dhinteen 144 qof sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee dalkaas Kianoush Jahanpour .
Waxaa sido kale kordhay kiisaska Coronavirus eel aga xaqiijiyay gudaha Iiraan waxayna gaartay 32,332 halka 2,893 oo bukaanka ka mid ah ay xaaladooda caafimaad liidato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here