2 qof oo dibadbaxyaal ah oo lagu dilay dalka Ciraaq

Wararka inaga soo gaaraya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in laba qof oo mudaaharadyaal ah la dilay ka dib markii ay ciidamada booliska rasaas fureen.
Ciidamada booliska ayaa dab iyo gaaska dadka ka ilmaysiisa u adeegsanayaa boqolaal qof oo isgu soo baxay magaalada Baghdad.
Dad gaaraya 200 qof ayaa lagu dhaawacay dibadbaxyadaasi.
Dibadbaxyaashan ayaa ka cabanaya shaqa la,aanta ka jirta dalkaasi iyo musuqmaasuq hareeyay dowladda Baghdaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here