2 qof oo ka baxsaday goob karantiil oo ku taalla Nyeri

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Nyeri Mr. Lyford Kibaara ayaa sheegay in laba qof ay ka carareen goob lagu karantiilayay.
Goobta ayaa lagu magacaabaa Wambugu Farm center.
Dadkan ayaa ka mid ahaa shakhsiyaad loo soo qabtay inaynan u hoggaansamin amarka bandowga ee habeenkii dalka ka jiro.
Booliska dowlad deegaanka Nyeri ayaa billaabay howlgallo lagu raadinaya labada qof.
Dhanka kale maamulka isbitaalka Nairobi Hospital ayaa sheegay inay maalin kasta sameynayaan ugu yaraan 900 oo ah baaritaannada caabuqa coronavirus.
Madaxa fulinta ee isbitaalka Allan Pamba, ayaa xusay in qof kasta lagu baaraya 10,000 oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here