2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kericho

Shil ka dhacay ismaamulka Kericho oo u dhaxeeyay baabuurka ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka ayaa waxaa ku dhintay 2 qof.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada taraafikada ee dowlad deegaankaas ayaa laga soo xigtay in labada baabuur ay isku dhaceen xilli ay doonayeen inay is dhaafaan.
Tiro kale oo rakaab ah oo ay dhaawacyo culus soo gaareen ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Kericho halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Waxay wararku intaas ku darayaan in darawalkii mataatuuda kaxeynayay oo iskudayay inuu gawaari badan ka hor maro taasoo ugu dambeyn kentay inuu shil galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here