2 qof oo ku dhintay daadadka Kisumu

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kisumu ayaa sheegaya in roobabka xooggan ee halkaasi ka da’ay ee ay daadadku ka dhasheen ay galaafteen nolosha 2 qof tani oo tirada ilaa iyo hadda dowlad deegaankaas ku dhimatay ka dhigaysa 4. Nin ay da’diisu tahay 50 sano jir ayaa meydkiisa laga helay xaafadda Ombaka ee deegaanka Nyando kaddib markii sida la sheegay ay biyuhu qaadeen. Meydka qof labaad ayaa lagu arkay degmada Nyamasaria ee bariga Kisumu . Toddobaadkii hore ayay ahayd markii waaxda saadaasha hawada ee dalka ay digniin soo saartay. Waxay waaxdan sheegtay in roobabka la filayo inay sii socdaan ilaa dhammaadka bishan 12-aad ee Diseembar sidaas awgeed ay dadweynaha ku boorinayso inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here