2 qof oo lagu dhaawacay weerar ka dhacay Wajeer

Taliyaha booliska ee ismaamulka Wajeer Thomas Ngeywa ayaa xaqiijiyay inuu saaka weerar looga shakisan yahay Al-Shabaab ka dhacay Qorof-Xaraar.
Weerarka ayaa lala eegtay bas ay rakaab saarnaayeen waxaana ku dhaawacmay 2 qof.
Mr. Ngeywa ayaa intaas ku daray in weerarka la gaystay abaare 6.30 ee saaka hasa ahaate darawalka uunan joojin baska la rasaaseeyay , kooxdii soo weerartayna ay duurka ku carartay.
Taliyaha ayaa xusay in darawalka uu baabuurka kaxeynayay ilaa hal kiilomitir in kastoo ay saameyn ku timid mid ka mid ah taayarrada hore ee baska.
Bishii Diseembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii 11 qof oo 8 ka mid ah ay ciidamo ahaayeen weerar lagu dilay.
Waxay tani ku soo aadday saacado un kaddib markii hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Wajeer, maamulayasha iyo xubnaha guddiyada ammaanka iyo sirdoonka ay yeesheen kulan ay kaga arrinsanayeen ka hor tagga iyo la dagaalanka falalka argagixiso ee wax u dhimo xasiloonida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here